Sida Loo Barto Blog ama Website Sameynta
1. Baro Aasaaska sida:
-
Faham waxa blog ama website yahay.
-
Baro erayada muhiimka ah sida: domain, hosting, theme, plugins, SEO, iyo waxii lamid ah .
2. Dooro Platform yada sida :
-
Blogger: Bilaash, fudud in la isticmaalo, ku habboon blog-yada.
-
WordPress.com ama WordPress.org: si aad u isticmaasho ama aad u customizable.
-
Wix ama Squarespace: Website sameeye drag & drop ah oo fudud.
3. Samee Account
-
Haddii aad doorato Blogger, iska diiwaangeli Gmail, kadibna samee blog cusub.
-
Haddii WordPress, iska diiwaangeli oo raac talaabooyinka.
4. Baro Qaabka Shaqada
-
Baro sida loo isticmaalo dashboard-ka platform-ka.
-
Baro sida loo abuuro posts ama pages.
-
Baro sida loo beddelo muuqaalka (themes/templates).
5. Baro SEO (Search Engine Optimization)
-
Si blog-gaaga ama website-kaaga looga helo Google, baro waxyaabaha laxariiro SEO sida keywords, meta tags, backlinks.
6. Baro Qoraalka iyo Naqshadeynta
-
Qor maqaal wanaagsan oo xiiso leh.
-
Baro sida sawirro wanaagsan loo isticmaalo.
-
Baro sida loo naqshadeeyo boggaaga si uu u soo jiito dadka.
7. Ku Celceli oo Horumari
-
Samee blog posts joogto ah.
-
Ku dar muuqaal iyo widgets cusub.
-
Baro Analytics si aad u ogaato sida blog-gaagu u shaqeeyo.
Waxbarasho Bilaash ah oo laxariiro cilmigaan .
-
YouTube: Raadi casharro ku saabsan “How to start a blog” ama “How to create a website.”
-
Coursera, Udemy, edX: Waxaad ka heli kartaa koorsooyin bilaash iyo lacag leh.
Waxaa diyaariyay : walaalkiina Muslimiinta